Farmaajo oo cambaareeyay xarigga dad ka dhiidhiyay dhul danta guud ee Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul u cambaareeyay xarig loo geystay dad uu sheegay inay si nabad ah uga dhiidhiyeen ku tagrifalka dhulka danta guud.

Farmaajo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in shan qof oo shacabka ka mid ah ay si nabdoon u muujiyeen dareenkooda ku aaddan dhul laga qaatay, balse lagu xiray saldhigyada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wuxuu hay’adaha amniga iyo dowladda federaalka ugu baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadkaas, isagoo ku tilmaamay xariggooda mid ka hor imanaya xuquuqda muwaadinka iyo dastuurka dalka.