Waxa Magalada Muqdisho ka socota qaban qaabada Aaska Marxuum oo Todobaad ka hor lagu dhex dilay iskuul uu macalin ka ahaa oo ku yaala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir .
Saladda janasadda ayaa lagula Tukaday isbitaalka Madiina halka Qaburaha Calamada lagu aasayo
Marxuum Abiikar ayaa dilkiisa loo adeeggsaday Toorreey waxaana Ehelada Marxuumka iyo Bahda waxbarshada ay ka dalbadeen Gay’adaha Amniga Dawlada in si deg deg ah cadaalada la horkeeno Eedeeysanaha geystay dilka Macalinka .



