Meydad laga helay Duleedka Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka Waqooyiga ee Magaalada laga helay Meydadka 2 Ruux.

Meydadka labada qof ayaa la sheegay in ay ahayeen rag, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dadkaasi ay korkooda ay ka muuqdeen xabado farabadan.

Ciidamada Ammaanka ayaa dadkaasi u soo qaaday Magaalada Gaalkacyo si loogu marsiiyo baaritaano.

Dadka degaanka ayaa la sheegay in arkeen Meydadka kadibna ay kusoo wargeliyeen Ciidamada Ammaanka.