Maxkamadda Calaamada ee Bariga Afrika ee Arusha ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah habraacii Dowladda Soomaaliya ay ku soo xulatay 9-ka xubnood ee matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee 2022–2027.
Dacwaddan oo ay maxkamaddu maanta qaadanayso waxay diiradda saareysaa Sida loo fuliyay habraacii sharci ee xulista wakiillada Soomaaliya meteleya, In nidaamka loo maray uu waafaqsan yahay xeerarka EAC iyo Dastuurka Soomaaliya,Iyo in ay jireen cabashooyin ku saabsan hufnaan la’aan iyo eex lagu eedeeyay habka xulista.
Garsoorayaasha maxkamaddu waxay maanta dhageysanayaan doodaha labada dhinac, waxaana la filayaa go’aan madax-bannaan oo saameyn weyn ku yeelan kara mustaqbalka matalaadda Soomaaliya ee ururkan gobolka.
Dhanka kale, labada dhinac ee muranka ku jira waxaa u bannaan in ay racfaan ka qaataan haddii natiijada kama dambaysta ay ku qanci waayaan taasoo macnaheedu yahay in kiisku gaari karo heer sharci oo ka sareeya.
Xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay in dib loo raro habraaca, si mar kale loo furo tartan caddaalad ah oo hufan, ayna mar kale u tartamaan kursiyada wakiillada EAC ee Soomaaliya.
Dhawaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa dhigiisa Kenya ka dalbaday inuu gacan ka siiyo xalinta dacwada ka taala Maxkamada Bariga Afrika ee Arush.



