Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo toogasho ku fulisay askari ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil Toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini),oo horay degmda xarardheere ee gobolka Mudug  dil ugu geystay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabee, oo ay militariga ka wada tirsanaayeen September kow iyo Tobankeedii ee Sanadkan.

Maxkamad wareegto oo loo diray ayaa xukunkan dilka ah kula fulisay Xarardheere,kadib markii maxkamaddu ku heyshay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac oo katirsana Ciidanka Gor-Gor uu si bareer ah u dilay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabee

Maxkamadd ciidamada qalabka sida ayaa sidaan oo kale horay u fulisay xukunno askar dilal u geeystay Dad shacab ah iyo ciidan