Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo maalmahaan ku sugan Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu kulan la qaatey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.
Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen Arrimo ay kamid yihiin Amniga iyo Mashaariicyo dhowaan laga fulin doono Caasimada Maamulka Hir-Shabeelle iyo dhamaan Magaalooyinka Maamulkaas.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa uga mahad celiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sida dowladda Soomaaliya u garab taagan tahay Maamulka Hir-Shabeelle,iyada oo ay xusid mudan tahay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Maamulka Hir-Shabeelle iyo Dowladda Federaalka.



