Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay Gudoomiyaha Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, ka dib markii eedeeyn loo soo jeediyay.
Gudoomiyaha magaalada Gaarisa Cali Bunow Qorane ayaa la xiray isaga oo loo haysto in uu isku dayay in uu dilo wasiir ka tirsan maamulkiisa.
Wasiirkii hore maaliyadda Gaarisa Idriis Aadan ayaa ka badbaaday dil uu qorsheeyay Gudoomiyaha gobolka Gaarisa sida ay ku warrantay warbaahinta Kenya oo uu ka mid yahay wargeyska Daly Nation.
Cali Bunow Qorane ayaa la sheegay in ay askar qabatay shantii Subaxnimo ee Saaka markii uu gurigiisa oo Nairobi ku yaalla ka soo baxay.
Idriis ayaa sheegay in madaxa laga toogtay isaga oo huteel hor maraya oo ka soo baxay masaajid u dhawaa.



