Maxay ka wadahadleen Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga?.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Antalya ee dalka Turkiga dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, halkaas oo uu uga qaybgalayo meertada 4aad ee Madasha Diblomaasiyadda Antalya 2025.

 

Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha iyo Difaaca, xilli  Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan wada galay heshiis caalami ah oo quseeya dhanka Difaaca iyo dhaqaalaha.

 

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Erdogan ayaa si qoto dheer uga wada hadlay howlgallada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta oo dhibaato ku ah xasilloonida iyo horumarka gobolka, iyagoo bogaadiyey miro-dhalka iskaashiga labada dal ee dib u dhiska Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo wiiqidda argagixisada.

 

Madashan oo ka mid ah fagaarayaasha caalamiga ah ee ugu muhiimsan iskaashiga dhanka amniga iyo siyaasadda ayaa wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan siinayaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, isdhaafsiga khibradaha maamul iyo sidii Soomaaliya ay doorkeeda uga qaadan lahayd arrimaha caalamiga ah, iyadoo la xaqiijinayo midnimada iyo danaha dalkeenna.