Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mudane Amb.Heiko Nitzschke iyada oo kulanka labada Mas’uul diiradda lagu saaray howlgallada lagula dagaalamayo Alshabaab , wareejinta Howlgalkii ATMIS, iyo u guuridda howlgalka cusub ee AUSSOM iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya.
Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay walaaca gobolka ee la xiriira ku xad-gudubka Itoobiya ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo xoojinta mowqifka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida qaranka.



