Maxay ka wada hadleen Wasiirka Cadaaladda XFS & dhiggiisa dalka Ciraaq?

Wasiirka Wasaarada Caddaalada Xikuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Baqdaad ee Caasimadda Dalka Ciraaq kula  kulmay dhiggiisa dalkaas, Labada wasiir ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhanka arrimaha cadaaladda, sharciyada, iyo in la is weydaar-sado qibradaha  labada dalka.

Wasiir cadaaladda XFS  ayaa uga warbixiyay wasiirka dedaalada dowladda Soomaaliya  ee la  xiriira la dagaalka Dawlada Federaalka ee ka dhan ka ah Alshabaab & guulaha laga gaaray, iyo sida ay uga go,antahay in xooga la saaro kor-u-qaadista daadajinta adeega cadaaladda iyo kala sareynta sharciga.

Wasiirka Cadaalada dalka ciraaq ayaa dhankiisa sheegay in ka dowlada ahaan ay diyaar u yihiin adkaynta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dalka iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Ugu dembayntii labada wasiir ayaa isla gartay in si wadajir ah la isaga kaashado hormarinta hay’adaha Cadaaladda labada dowladooda.