Maxay ka wada hadleen Sheekh Shariif & Xasan Cali Kheyre?

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa xalay kulan ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo maalmahaan ku sugan Magaaladaasi Nairobi.

Kulanka ayaa waxaa ay labada mas’uul uga wada hadleen arrimo la xiriira xaalada siyaasadda ee Soomalaiya , doorashada iyo arrimo kale,iyaga oo sidoo kale ku balabay inay kulamada sii joogteen.

Wararka kale ee kulankaasi laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya , Xasan Kheyre uu uga garaabay Shariifka wixii tabasho ah oo dhankiisa ah uu ka qabay ama dhacdooyinkii Shariifka uu la kulmay intuu xilka hayay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Xasan Cali kheyre intii uu Ra’iisul Wasaare ahaa ma laheyn labaduba xiriir wanaagsan, waxaana jirtay in Sheekh Shariif laga celiyay in uu ka dhoofo Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ku sugan musharixiin farabadan oo Madaxweynaha Soomaaliya ah iyo siyaasiyiin kale, kuwaas oo dhawaan soo saari doona qorsho ay ku midoobayaan si ay doorashada soo socota meesha uga saaraan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.