Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Guud ee QM?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gutarres ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay aragtida iyo siyaasada dowlada federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa u muujiyay gaarab Istaag madaxweynaha Jamguuriyaa Federaalka  Soomaaliya, waxa uuna caddeeyay in ay waajib yahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.