Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo ku degtay degaan ay Maamulaan Alshabaab

Wararka  ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in diyaarad ay  leedahay Qaramada Midoobay oo ka soo duushay Magaalada ee Xarunta gobolka Hiiraan Beledweyne, kuna sii jeedday  degmada Wisil  ee gobolka Mudug , ay ku degtay deegaan nawaaxyiga degaanka Ximdheere oo ay maamulaan AlShabaab.

Dayaaradda oo nooceedu uu ahaa Helikobtar, kuna duulaysay magaca UNSOS, ayaa la xaqiijiyay wasiirka in cillad ay qabsatay, ayna degdeg u fariisatay deegaan hoos yimaada Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in diyaaradau ay saarnaayeen 7 qof oo Somaali iyo Ajnabi ka kooban   iyadoo  dhamaan dadkii saaranaa diyaadrada ay u gacan galeen Alshabaab xaaladoodana  kama oga .

Warar ayaa sheegaya in dyaaradu ay siday daawo iyo saanad ciidan  inkastoo illaa hadda aysan dawlada Soomaaliya aysan ka hadlin xaaada diyaaradaas iyo dadkii saarnaa.