Gudddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa maanta kulan La qaatay Safiirka Dowladda ingiriiska u qaabilsan Soomalia ben fender.
Kulanka ayaa looga wada hadlay horumarada Caasimadda, taageerada qeybta unuga xalinta khilaafadka xasilinta iyo nabadenta iyadoo safiirka si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay taagerayan isla markaana muhiimad gaar ah u leedahay mashruucan nabadeenta bulshada caasimadda.
Dowlada ingiriiska iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si wada jir ah uga shaqeeyn doono fulinta mashruucaan si loo helo xal waara.



