Akhriso:- Sababaha loo kala diray Rugta Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliyeed

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaliya ayaa Maanta  kala dirtey Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, iyada oo la  dhisay Guddi Kumeel Gaar ah.

Qoraal kasoo baxay  Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo la ogeysiiyay Wasaaraddaha Ganacsiga Dowlad goboleedyda, dhamaan Ganacsatada Soomaaliyeed, Hanti dhowraha qaranka, Dhamaan Rugaha Ganacsiga Soomaaliyeed, Hay’daha amniga dowlada Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynaha ayaa lagu kaal diray Rugta Ganacsiga & warshadaha Soomaaliyeed.

Sababaha look ala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo kooban Shan qdoob, iyada oo sidoo kale la Magacaabay guddi kumeel gaar ah oo ka kooban 29 xubnood oo ka kala socda shirkadaha ganacsiga dalka.

Horay ayaa Maamulka gobolka Banadir waxaa uu u kala diray Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, iyada oo tallaabadaas lagu sheegay inay la xiriirto sababo dhanka Amniga ah.