Maxamed Saalax oo difaacay Ciyaaryahan xadgudub loo heysto

Laacibka xulka waddanka Masar Maxamed Saalax ayaa la dhaleeceeyay kaddib markii uu soo jeediyay in “fursad kale” la siiyo ciyaartoy ay xulka Masar ka wada tirsan yihiin oo lagu eedeeyay inuu gaystay xadgudub galmo.

Xidiggan u dheela kooxda Liverpool oo bishii Abriil u sheegay wargeyska Time magazine in ay tahay la badelaa habka loola dhaqmo haweenka Bariga Dhexe, ayaa Khamiistii waxa uu bartiisa Twitterka ku difaacay ciyaaryahan Caamir Warda.

Kaddib markii ay soo gudbiyeen eedo ah inuu ciyaaryahankaasi kula kacay xadgudub galmo, ayaa Xiriirka Kubadda Cagta ee waddanka Masar (EFA) waxa uu Warda ka joojiyay inuu ka sii qeyb qaato Koobka Qaramada Afrika (Afcon) kaas oo haatan ay martigelinayso isla Masar.