Barcelona aayaa diyaar u ah inay dalab £20 milyan ah u dirto kooxda Sevilla si looga iibiyo weerarka dhexe ee Kevin Gameiro.
Catalan ayaa sidookale Sevilla siin doonto da;yarkeeda Alen Halilovic, sidaas waxaa laga soo xigtay war-sidaha Mundo Depo-rtivo oo kasoo baxa Spain.
Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar ayaa lama taabtaan ka ah Barcelona, laakiin gool-dhaliyahan cusub ayaa waardiye u noqon doono oo u fariisan doono laacibiinta reer Koonfur Ameerika.
Luis Enrique ayaa ku dadaallaya inuu shaxdiisa kusoo daro weeraryahankii hore ee-Paris Saint-Germain,kaasoo ay hadda si weyn ugu tiirsan tahay Sevilla.


