Tiro Maxaabiis Soomaali ah oo laga soo daayay dalka Itoobiya ayaa Goordhow laga soo dejiyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Maxaabiistaan ayaa qaarkood dalka Itoobiya waxa ay ku xirnayeen Muddo sanado ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa gacan weyn ka geysatay sidii loo soo deyn lahaa Maxabiistaan oo qaarkood horay loogu xukumay sanado badan.
Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) ayaa Afar sano kadib waxaa laga soo daayey xabsi ku yaalla dalka Itoobiya, kadib markii ay maxkamad ku xukuntay 27 sano oo xabsi ah, waxaana uu ka mid yahay dadka hadda kasoo degtay garoonka.
Waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu xoriyadiisa uu dib u helo, maadaama muddo badan uu ku xirnaa dalka Itoobiya.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu guuleysatay soo deynta in ka badan 100 Maxbuus oo muddo ku xirnaa dalka Itoobiya.



