Maxaa looga hadlayaa kulanka gaarka ah oo ay yeelanayaan Dowlad Goboleedyada?

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in Gelinka dambe ee Maanta uu shir gaar ah uga furmo Madaxda Dowlad Goboleedyada kajira dalka,kuwaas oo qaarkood ku sugan Magaaladaas.

Shalay gelinkii dambe waxaa Magaalada Dhuusamareeb gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxaana la filaya inay maanta halkaasi tagaan Madaxweynayaasha Maamulada, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, iyaga oo mid kasta uu wato ilaalo u gaar ah.

Shirka gaarka ah oo ay yeelanayaan madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin arrimaha masiiriga ah ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka,sidoo kale ay uga tashanayaan sidii ay shir deg deg ah isugu imaan lahaayeen Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada sida ugu dhaqsiyaha badan.

Shirkaan gaarka ah oo ay Madaxda Dowlad Goboleedyada uga furmayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa yimid,kaidb markii uu dhawaan baaqday shir uu Madaxweyne Farmaajo ku casuumay 5-tii Bishaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana amniga sugaya Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 21aad kuwa Nabadsugida & Booliska Soomaaliya,waxaana Magaalada Dhuusamareb laga soo qaaday qaar kamid ah Ciidamadii Haramcad oo ay dalbadeen in laga saaro Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo uu khilaaf kala dhaxeeyo Madaxda Dowladda Federaalka.