Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa maanta oo Axad  shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada kaas oo ka qabsoomay Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Xukuumada warbixin uga dhageystay Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Caafimaadka Warfaafinta, iyo Madaxtooyada

Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa golaha la wadaagay in Hirshabeelle ay soo gaareen 10 gaadiid oo qeyb ka noqonaya dib u dhiska balaaran ee ku socda ciidanka booliska Hirshabeelle sidoo kale Wasiirka ayaa golaha uga warbixiyay howlgalo qorsheysan oo Al-Shabaab looga saaray deegaano badan oo kamid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ayaa Madaxweynaha iyo golaha la wadaagay inuu soo labakacleeyay Xanuunka Covid19 Wasaarad ahaana ay u diyaar garoobayeen,

Wasiirk Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in dhowaan xariga laga jari doono Tv-ga Cusub ee  Hirshabeelle oo dhismaha iyo qabaleyntiisu ay dhamaatay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Xubnaha Golaha waxa uuna kula balamay inay sii dardar galiyaan howlaha shaqo ee ay umadda iyo Dowladda u hayaan.