Maxaa looga hadlay kulanka Wasiirada Arimaha Dibada Soomaaliya, Masar & iyo Eritrea?

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa kulan gaara ku yeeshay Xarunta New York ee Qaramada Midoobay oo ay uga qeyb galayaan shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Saddex Dal oo isbaheysi sameystay ayaa ku heshiiyay iskaashi buuxa oo ay yeeshaan, waxayna si buuxda u taageereen Qaranimada iyo Midminada dhuleed ee Soomaaliya.