Maxaa kusoo kordhay xaaladda Guriceel?

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, taas oo ay isdhaafsanayaan Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Ciidanka dowladda ayaa ku sugan inta badan xaafadaha Guriceel, waxaana rasaasta laga maalayaa aaga halka loo yaqaano Jaamacadda, halkaas oo dagaalada xoogooda ay shalay ka dhaceen.

Dad kusugan Guriceel ayaa Risaala u sheegay in Gudaha degmada Guriceel lagu arkayo Ciidanka dowladda, sida Saldhiga Booliska, Xarunta degmada, agagaarka Xarunta Shirkadda Beder iyo Goobo kale halka Ciidanka Ahlusunna ay ku sugan yihiin Aaga Jaamacadda iyo Goobo kale.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga Guriceel Cabdishakuur Axmed Faarax  ayaa sheegay inay kujiraan Maalintii labaad ee howlgalka, wuxuuna Shacabka ugu baaqay inay Magaalada ka xaroodaan.