Aabaha Neymar ayaa beeniyay warar sheegaya in wiilkiisa uu xiriir la sameeyay kooxdiisii hore ee Barcelona si uu ugu laabto garoonka Camp Nou.
Neymar ayaa haatan ku maqan dhaawac jilibka ah kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii kooxdiisa wajahday Strasbourg bishii lasoo dhaafay.
27 jirkaan reer Brazil ayaa dhaliyay 13 gool, isagoo caawiyay 6 kale horyaalka Ligue 1, waxaana uu 5 gool ka dhaliyay tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.
Neymar, oo saxiib dhaw la ah Lionel Messi iyo Luis Suarez, ayaa noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan taariikhda kubada cagta markii uu ku biirayay PSG.
Waayihiisii Camp Nou waxa uu dhaliyay 105 gool, isagoo 59 caawinaad u sameeyay tartamada oo dhan 4 xilli ciyaareed oo uu kusugnaa Barcelona.


