Maxaa ka jira in Muqdisho lagu xiray Wasiirka Amniga Jubbaland?

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa la xaqiijiyay in lagu xiray Garoonka diyaaraddaha ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir Janan ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Dolow ee gobolka Gedo, halkaasi oo kulamo kala duwan ka waday.

Ilo ka tirsan Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Wasiirka lagu xiray Saldhig ku yaalla Gudaha Garoonka Muqdisho, islamarkaana la qabtay xilli uu Transit ku ahaa Garoonka Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay tageen garoonka, islamarkaana halkaasi ay ka jirto dhaqdhaqaaq ka dhashay xariga Wasiirka.

C/rashiid Janan ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

bishii April ee sanadkan ayaa Warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay ku burisay dacwada loo heystay iyo amarkii ka yaalay oo Maxkamadda ku wargelisay Laanta dambi baarista ee CID.