Maxaa ka jira in Ciidamada Dowladda ay isaga baxeen degaanka Goof-gaduud Buureey?

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay warar laga  baahinayay degaanka Goof-gaduud Buureey  ee Gobolka Baay, kaas oo ku saabsanaa in Ciidamada Dowladda ay isaga baxeen, hayeeshee waxaa warkaasi beeniyay Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

War kasoo baxay Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga kana howlgalla degaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in aan waxba ka jirin wararka sheegaya in Ciidamada dowladda ka baxeen degaanka Goof-gaduud.

“Halkan  waa degaanka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka Baay waxaa ku sugan oo Fariisin u ah Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed  gaar ahaan qeybta 60aad waxaa jirey Warar Been Abuur ah oo Bulshada isla dhaxmareyeen  oo ah In Ciidanka isaga soo baxeen waxbana kama jiraan ayaa lagu yiri” Waka kasoo baxay Taliska qeybta 60aad ee Ciidanka dowladda.

Sidoo kale Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga ayaa sheegay in dadka wararkaasi faafiyay ay ahaayeen kuwa doona in ay  khalqal geliyaan Bulshada Iyo Amniga degaannada Koonfur Galbeed .

Degaanka Goof-gaduud Buureey  ee Gobolka Baay ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo weeraray, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen inay xaqiijinayaan Amniga degaanka oo laga ilaaliyo Magaalada Baydhabo.