Caabudwaaq-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaaradii Waday Maydka Ugaaska Beesha Sade Marxuum Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Ugaas Cali ay hadda soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Caabudwaaq.
Waxaana lagu wadaa Ugaaska in lagu Aaso Qabuuraha Dab-casar ee magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada Caabudwaaq ay goor dhow gaareen mas’uuliyiin ka ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Waxaana la sheegay in mas’uuliyiintaasi ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Ujeedka safarka mas’uuliyiinta dowladda ka tirsan ayaa lagu sheegay in ay ka qeyb galayaan Aaska Qaran ee loo sameynayo Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle.


