Mas’uul sare oo isu casiley tareeno ku qalibmay Hindiya

Madixii wakaaladda tareenada dalka Hindiya ninka lagu magacaabo AK Mittal ayaa shaqada iska casiley kadib labo shil tareen oo dhacay muddo shan maalmood gudahood gobolka waqooyiga ku yaala ee Uttar Pradesh.

Shilkii ugu dambeeyey ayaa waxaa ku dhintey 23 qof, 156 kalana waa ay ku dhaawacmeen, halka shilkii ka horeeyey ay ku dhaawacmeen dad dhan 70 qof.

Suresh Prabhu oo ah wasiirka tareenada Hindiya ayaa isaguna aqbalay mas’uuliyadda shilalka dhacay, wuxuuna sheegey in uu gudbisey is casilaadiisa, balse loo sheegay in uu sugo xoogaa.

Iscasilaadda Mittal ayaa imanaysa xili ay qalibmeen illaa sagaal tareen oo ka tagay degmo ka tirsan Uttar Pradesh, kuna sii jeedey magaalada caasimadda ah ee Dehli.

Shilalka tareenka waa wax iska caadi ah dalka Hindiya, halkaasi oo kaabayaasha iyo qadadka tareenada ay aad u duugoobeen.

Sida lagu sheegay xog ay wasaaradda soo bandhigtey illaa 104 shil ayaa la diiwaangaliyey intii labadii sanno ee lasoo dhaafay.