Mas’uul ka tirsan Puntland oo is casilay

Sida ay ku soo waramayaan Wararka inaga soo gaaraya Deegaanada Puntland waxaa is casilay Wasiirkii Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan (Soocadde) oo Maamulka Puntland xilkaasi u hayay.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa la sheegay in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu u gudbiyay Warqadii uu kaga tagi lahaa shaqadii uu ka hayay Maamulka Puntland, sidoo kalena Madaxweynaha uu ka aqbalay codsigaasi.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in u jeedka uu shaqada kaga tagay in ay tahay arrimo gaar ah oo isaga soo wajahay, iyo culeys badan oo uu isagu sheegay in ay heystaan.

”Waa sax waan iscasilay, waxaana isku casilay arrimo ii gaar ah, Puntland waa Maamulkeygii, Dalkuna waa Dalkeygii, Ayuu yiri Wasiir Soocadde.