Cadaado-RisaalaFM- Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Galmudug waxaa maanta ka dhacay Banaanbax ay dadka ku diiddan yihiin xukun Maxkamad ku taalla Dalka Hindiya ay ku ridday Dhallinayaro Soomaaliyeed oo ay ku eedeysay in ay Burcad Badeed yihiin.
Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Dowladda Hindiya iyo xukunka dilka ah ee lagu riday 50 Maxaabiis ee Soomaalida ah oo ay Maxkamadda Mombai xukuntay dhowaan.
Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Xuquuqul Isaanka ayey ka dalbadeen in ay arrintaasi wax ka qabtaan, islamarkaana ka hortagaan in xukunkaasi la fuliyo.
Dhallinyarada Soomaaliyeed oo tiradooda ay gaareyso 50, kuwaas oo ku jira xabsiyada Dalka Hindiya ayey Dowladda Hindiya ku xukuntay dil kadib markii lagu eedeeyay falal la xiriira Burcad Badeednimo.



