Masar oo iibsanayso Diyaaradaha Dagaalka ee Rafale

Wasaaradda Difaaca ee dalka Masar waxay Oogtii Waaberi ee saakayto oo Talaado shaacisay inay dalka Faransiiska ka iibsan doonaan 30 Diyaaradaha Dagaalka ee Rafale oo uu qiimhooda guud ku kacayo lacag dhan 4.5 Billion oo Dollar.

Wasaaradda Difaaca Masar waxay Heshiiskaasi la saxiixatay Shirkadda Faransiiska ee Dassault  (The French Dassault Aviation company), si ay uga iibsadaan Diyaaradaha Rafale oo ah kuwa ugu casriyeysan ee Faransiiska lagu farsameeyo.

Kharajkaasi ayaa lagu bixin doonaa dayn ahaan muddo ka badan 10-sano, iyadoo Masar horey u saxiixday Qandaraas sanadkii 2015-kii, si ay u helaan 24 Diyaaradaha Dagaalka ee Rafale Fighter Jets, wuxuuna Qandaraaskaasi qeyb ka ahaa Heshiis lagu qiimeeyey 5.3 Billion oo Euro, una dhignta 5.9 Billion oo Dollar.

Heshiiskaasi ayaa u muuqda inuu ku lug leeyahay safarkii uu Madaxweynaha Masaru u bishii December ee sanadkii hore ku tegay caasimadda dalka Faransiiska ee Paris, isagoo la kulmay dhigiisa dalkaasi, Emmanuel Macron.