Markabkii Turkiga ee Badda Soomaaliya ka baarayay shidaalka oo howshiisa soo gabagabeeyay

Wasiirka Tamarta iyo  Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa shaaciyay in Markabka Oruç Reis ee sahminta shidaalka iyo Gaaska ka waday Badda Soomaaliya laga soo bilaaba Oktoobar 25, 2024 uu si guul ah u soo gabagabeeyay hawshiisa oo qaadatay 234 maalmood

Qoraal uu baraha bulshada ku baahiyay wasiir Alparslan Bayraktar  ayuu ku sheegay inuu Markabku baairtaan ka sameeyay saddex xirmood, xogta seismic ee 3D ahna uu kasoo ururiyay baaxad dhan 4464 km2.

Wuxuu intaas ku daray in xogta uu helay Markabka Oruç Reis, ay sheegi doonto qiimeynta Shidaalka ku jira oomaaliya, wuxuuna markabka shiraacan doonaa dekadda Muqdisho 15 June, isagoo ku laaban doona dalkiisa.

Turkiga ayaa ka mid ah wadamada si weyn u taageera Soomaaliya.