Diyaarad rakaab ah oo laga leeyahay dalka Hindiya oo burburtay

Diyaarad xamuul ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradah Air India nuuceeduna yahay Boeing 787-8 Dreamliner ayaa ku dhacday magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya.

Diyaaraddan oo siddey in ka badan 200 oo rakaab ah, kuna sii jeeddey magaalada London ayaa soo dhacday wax yar ka dib markii ay ka kacday gigida Ahmedabad.

Diyaaradda oo summadda duulimaadkeedu ahaa AI171, ayaa u muuqata in ay ku dul habsatay deegaan lagu nool yahay.

Wasiirka Duulista hawasda ee Hindiya Kinjarapu Ram Mohan Naidu ayaa sheegay in ay socdaan hawlaha gurmadka degdegga. Illaa hadda lama hayo khasaaraha ka dhashay shilkan diyaradeed, waxaase meesha diyaaraddu ku dhacday ka muuqda uuro madow muujineysa in diyaaradda dab qabsaday.

Dadka la socday ayaa kala ah: 169 u dhashay Hindiya, 53 qof oo British, qof Canadian ah iyo 7 qof oo Portuguese ahaa.

Gurmad xoog leh ayaa socda, iyadoo la hubinayo haddii ay jiraan dad rakaab ah oo ka badbaaday shilkan oo ah kii ugu weynaa ee diyaarad rakaab ah ee noocan ah ay gasho.