Mareykanka oo sheegay inuu fuliyey Weerarkii Aw-dheegle

Dowlada Mareykanka ayaa markii ugu horeysay sheegatay iney ka dambeysay Weerarkii Xalay ka dhacay deegaanka Awdhiigle ee Gobolka Sh/Hoose.

Sarkaal u hadlay dawladda Maraykanka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Dowlada Mareykanka oo kaashanaya Kuwa Dowlada federaalka Soomaaliya ay ka dambeeyeen Weerarkii ka dhacay deegaanka Awdhiigle ee gobolka Sh/Hoose.

Sarkaalkan u hadlay Dowlada Maraykanka ayaan faahfahain dheeraad ah ka bixinin hawlgalka dhacay deegaanka Awdhiigle iyo khasaarihii ka dhashay.

Dhanka kale Dowlada Federaalka soomaaliya ayaanan weli ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Awdhiigle ee Gobolka Sh/Hoose, marka laga reebo gudoomiyaha deegaanka Awdhiigle oo inoo xaqiijiyay duqeynta ka dhacday deegaankaasi iyo in lala bartilmaameedsaday Goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.