Qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida ayaa saaka waxay baahiyeen oo qaarkoodna ay daabaceen in xalay madaafiic lagu garaacay Xaafado Ka tirsan Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada Hoose isla markaana ay khasaaro ka dhasheen.
Laamaha Amniga Magaalada Kismaayo iyo Masuuliyiinta Sare ee Maamulka Jubbaland ayaa si cad u beeniyay wararkaasi, waxayna sheegeen in aysan hoobiyaal ku soo dhicin xalay Xaafadaha magaalada Kismaayo.
Afhayeenka dhanka amniga ee Maamulka Jubbaland Axmed Maxamuud Maxamed “Axmed Carab” oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay inaysan jirin madaafiic lagu soo tuuray gudaha magaalada.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab aysan ka dhaweyn Magaalada kismaayo isla markaasina ay horay Al-Shabaab ugu saareen deeganada ku dhaw magaalada Kismaayo.


