Qoraal kasoo baxay Safaaradda mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa looga soo horjeestay go’aanka ay dowladda Soomaaliya Warbaahinta uga mamnuucday inay tebiyaan Wararka la xiriira Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera.
Qoraalka ayaa waxaa lagu yiri” Xuquuqda & Waajibaadku waxay qeexaan in saxaafadda xorta ah ay xaqa u leedahay inay soo bandhigto aragtiyo kala duwan & mas’uuliyadda bixinta xog sax ah.
Sidoo kale Mareykanka ayaa ku dhiirigeliyay Dowladda Soomaaliya & Warbaahinta Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta amniga, oo ay ku jiraan badqabka suxufiyiinta iyo xorriyaddooda warbixineed.
Sabtidii todobaadkaan ayaa Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay ku amartay Warbaahinta Madaxa bannaan inay joojiyaan tebinta Wararka la xiriira Al-Shabaab, taas oo Maanta ay kasoo horjeesteen Urrurada Saxaafadda Soomaaliya.




