Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka iyo Qiimeynta Qaraxii Ka dhacay Magaalada Beledweyne Cabdi Daahir Guure Karoorre iyo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga ahna wasiirka Amniga Mohamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa maanta gaaray Beledweyne .
Guddiga ayaa kulankii ugu horreeyay safarkooda kaddib la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar waxeyna ugu warbaxiyeen Howlaha horyaallo guddiga iyo muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro xaaladda Magaalada Beledweyne .
Guddiga ayaa Kulanka ay la yeesheen Madaxweyne ku xigeenka waxaa ku wehliyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaraadaha Arrimaha Gudaha iyo Gargaarka ee Dowladda HirShabelle .
Guddiga ayaa wadatashiyo iyo xog-wareysi la yeelan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka , Saraakiisha, Ganacsatada iyo Maamulka Degmada Beledweyne .



