Mareykanka oo hoos u dhigay tirada Qaxootiga uu qaabilayo

Qorshaha xukuumada Trump ee lagu dhimayo qaxootiga Maraykanka qaabilo ayaa lagu sheegay in qaxootiga wadankaasi la geyn doono sanadka soo socda ay gaari doonaan 45.000 qof oo kaliya.

Tiradan ayaa kalabar ka yar dadkiii la geeyey Maraykanka sanadkii 2016 kuwaasi oo gaarayey 84.995 qaxooti ah. Sanadkan ayaa tirada la filayo in la geeyo Maraykanka ay gaareysa 54.000 qof.

Go’aankan ayaa saameyn weyn ku yeelan doona dad badan oo qaxooti ah oo horey u codsaday in Maraykanka uu qaabilo, waxaana ku jira Soomaali badan oo horey codsiyadooda gacanta loogu haayey.

Afhayeenka dowlada Maraykanka ayaa go’aankan ku sheegay mid lagu adkeynaayo ammaanka dalkooda, si aan wadankooda loo keenin dad khatar ku noqon kara amniga gudaha.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa horey u muujiyey cadaawada badan ee u qabo dadka soogalootiga ah iyo waliba qaxootiga isagoo horey xayiraad u saaray nidaamkii lagu keeni jiray dadka qaxootiga ah ee kusoo baro kacay dagaalada ka socda wadamada caalamka.

Trump ayaa wadanka Soomaaliya ku daray dalalka muwaadiniintooda uu ka mamnuucay inay yimaadaan dalka Maraykanka, inta badan Soomaalida laga keeno Afrika ee taga dalkaasi Maraykanka ayaa ahaa qaxootiga laga soo qaado xeryaha sida kuwa ku yaal dalka Kenya.

Hay’adaha qaabilsan qaxootiga ayaa go’aankan Maraykanka ku tilmaamay mid la yaableh isla markaana lagu soo beegay xili ay weli baahi weyn jirto in la qaabilo ama degenaansho la siiyo qaxootiga badan ee dhulalkooda ka socdaan dagaalada.