DHAGEYSO: Warar ku saabsan kulamo ka soconaya Cadaado

Cadaado-RisaalaFM- Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa weli waxa ay martigelineysaa kulamo aan loo kala kicin, oo wafdigii xildhibaanada ahaa ee shalay ka baxay Muqdisho ay la yeelanayaan Madaxda Galmudug oo khilaafka uu ka dhaxeeyo.

Kulamadan ka soconaya magaalada Cadaado ayaa waxa ay yihiin kuwo soo bilowday shalay, oo ilaa hadda aanan weli aanan laga soo saarin, natiijo la xiriirta waxyaabihii laga wada hadlay oo lagu heshiiyay.

Qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegeen in kulamada weli ay socdaan, balse ay jirto isku soo dhowaansho labada dhinac ah.

Xaalada magaalada Cadaado ayaa maanta jawigeeda waxa uu yahay mid degan, maadaama shacabka reer Galmudug ay indhaha ku hayaan kulamada gaar gaarka ah ee ka socda Madaxtooyada.

Maanta oo la filayay in magaalada Cadaado ay gaaraan wafdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo ka socda Dowladda ayaa weli aanay suuragelin in ay magaaladaasi tagaan, kadib markii warqad xalay ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Xaaf looga mamnuucay degaanada Galmudug in ay ka soo degto Diyaarad ka timid Muqdisho, marka laga reebo Diyaaradaha Hay’adaha samafalka iyo kuwa AMISOM.

Axmed Yuusuf Ciyow oo ahaa Guddoomiyihii xildhibaanadii 26-kii bishan sheegay in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo Risaala la hadlay ayaa sheegay go’aanka ka soo baxay (Xaaf) ee Diyaaradaha looga mamnuucay degaanada Galmudug in uu yahay mid sharci daro ah.