Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn Cusub uu ka fuliyey Jubbada Dhexe

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 19/2/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Wadajir oo u dhow degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe,isla markaana ay ku la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Saddex Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku bur buriyeen Saldhigyo ay lahaayeen,hayeeshee aan wax khasaaro kasoo gaarin dadka rayidka ah.

“Weerarada Al-Shabaab waxay u dhaxeeyaan kuwo aan hore loo sii sheegin ilaa howlgalo adag, waxaana ku jira dilal qorsheysan iyo xeelado kale oo arxan darro ah,” ayuu yiri” ku xigeenka Howlgalada Afrika Gregory Hadfield.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2020 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya ee ka howlgasha deegaannada Puntland.