Waxaa ku dhawaaqdey inay joojisey duulimaad Caalami ah oo ay ku imaan jireen Diyaaradaheeda Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho Shirkadda Diyaaradaha Jambojet oo laga leeyahay dalka Kenya.
Shirkadaas ayaa Madaxdeeda waxaa ay sababaha arrintaasi ku sheegeen inay la xiriirto diidmo ka timid dowladda Soomaaliya ee ku aadan in duulimad subaxdii ah ku yimaadaan Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan-Cadde.
Allan Kilavuka oo ah Madaxa Guud ee Fulinta ee Shirkadda Jambojet, oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu shaaciyey in Diyaaradahooda uu qorshohoodu uu yahay in ay 6-da kasoo duulaan Garoonka Jomo Kenyatta ee Magalada Nairobi si Subaxnimo ay u yimaadaan Muqdisho ,kadibna ay dib ugu laabtaan Nairobi 9-ka subaxnimo iyo 30 daqiiqo.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in go’aankaas uu dhaqan geli waayey,isla markaana Madaxda Soomaalida ku guul-daraysteen inay Ballanqaad Shirkadda siiyaan,kaas oo ku aadan Duullimaadyada Aroornimo oo ay ku imaan karaan Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya weli kama hadlin warkaan kasoo baxay Shirkadda Diyaaradaha Jambojet ee laga leeyahay dalka Kenya,kaas oo ku aadan inay joojiyaan duulimaadyadii diyaaradahooda ku imaan jireen muqdisho