Muqdisho-RisaalaFM- Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo garab ka helaya Ciidamada Dowladda Federaalka ay Duqeyn la beegsadeen Daacish-ta Soomaaliya ee ku dhuumaaleysanaya degaanada Puntland.
Mareykanka ayaa sheegay Duqeyntan oo dhacday maanta oo Taariikhda ay ku beegan tahay 27-ka November, saacadu marka ay aheyd 03:00-Pm in lagu dilay Hal Dagaalame oo ka tirsan kooxda yar ee Daacish.
Sidoo kale warka qoraalka ah ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan Duqeymaha ay ka fulinayaan gudaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale Mareykanka uu sheegay inuu xoojinayo taageerada uu siiyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Dowladda Mareykanka ayaa dhowaan laba jibaartay ciidamada ka joogga Soomaaliya ee dagaalka kula jira ururka Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxda dowladda Islaamka faraceeda ku sugan Buuraleyda Galgala ee maamul goboleedka Puntland.
Dowladda Mareykanka ayaa bilihii la soo dhaafay si weyn u xoojisay howlgallada ay ka fuliso Soomaaliya, waxaana xusid mudan in bishan ay fulisay in ka badan 5 Weerar Saddex ka mid ah ay dhaceen 24 saac gudahooda.
Mareykanka ayaa horay u sheegay in ay ka go’an tahay dagaalka Kooxda Daacish ee ku sugan degaanada maamulka Puntland iyo Al-Shabaab.




