Mareykanka oo ciidamadiisa kala soo baxayo Afqanistaan

Sgt. Reuben Hottel, with Headquarters and Headquarters Company, 1st Battalion, 18th Infantry Regiment, 2nd Armored Brigade Combat Team, 1st Infantry Division, reacts to a near ambush by opposition forces July 26 near Alicedale, South Africa during Shared Accord 13. Shared Accord is a biennial training exercise which promotes regional relationships, increases capacity, trains U.S. and South African forces, and furthers cross-training and interoperability.

Dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysa in kumanaan ciidan ah oo ka joogo dalka Afqanistaan ay kala soo baxdo halkaasi, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

Warbixinta lasoo saaray ayaa soo xigatay saraakiil aanan magacooda la sheegin, kuwaas oo sheegay in 7000 oo ah kala bar ciidammada Mareykanka ee hadda ku haray Afqanistaan laga soo saari doono muddo bilooyin gudahood.

Arrintan ayaa imaaneysaa maalin kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu shaaca ka qaaday in ciidamadiisa ka joogo Suuriya uu kasoo saari doono.

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa shaaca ka qaaday in arrintan darteed uu isku casilay.