Kenya-RisaalaFM- Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay Ka xun tahay in loolan ka Madaxtinimo uu isaga haray Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Isbaheysiga NASA Mr. Raila Odinga balse ay ixtiraamayaan Go’aanka uu qaatay.
Saraakiil ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa dhanka kale waxa ay sheegeen in ay been abuur tahay warar maalmihii la soo dhaafay ay warbaahinta Gudaha ay tabineysay oo ahaa in Raila Odinga loo diiday in uu booqdo dalka Mareykanka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ay Raila ku soo dhaweynayaan booqasho walba uu ku doonayo in uu ku gaaro dalka Mareykanka saacad walba sida uu sheegay Agaasimaha Dhanka Warbaahinta ee Dowlada Mareykanka Mr Dennis Itumbi.
Dhanka kale waxa ay dalbadeen in la kala cadeeyo halka laga soo xigtay Wararka sheegaya in Dowlada Mareykank ay u diiday Raila Odinga in uu booqdo dalkeeda.
Hadalkaan ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo hoggaamiyaha Mucaaradka Mr Raila Odinga uu booqasho ku joogo Magaalada London halkaasi oo maanta oo Jimco ah uu qudbad Ka jeediyiy Guriga Chatham House iyadoo lagu casuumay in uu qudbad ka jeediyo Machadka Caalamiga ah ee Royal ee magaalada London halkaasi oo hoggaamiyeyaal badan ay ku sugnaayeen.
C/qani Maxamed, Radio Risaala, Kenya


