Booliska Kenya oo toogtay 3 ruux

Kenya-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Nyanza ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in Saddex Ruux oo Ka mid ah Dibadbaxayaasha Mucaaradka ay Booliska maanta ku toogteen Ismaamulada Migori iyo Homa Bay.

Sadexda Ruux ee la toogtay ayaa lagu eedeyay in ay isku dayayeen in ay Ku xooomaan Saldhiga Booliska ee Degmada Bondo oo uu ka soo jeedo Hogaamiyaha Mucaaradka ah Mr. Raila Odinga.

Goob joogayaal u waramay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in Dibadbaxyada ay hor dhoobteen Saldhiga Ka hor inta aysan Booliska Rasaas ooda kaga qaadin.

Charleston Okelo oo goobjoog u ahaa dhacdadaan ayaa sheegay in uu sidoo kale uu arkay dad ku dhaawacmay qaarkood oo dhiig ka qubanayay.

Mid ka mid ah Dibadbaxayaasha oo lagu magacaabo Wilfred Ojwang ayaa sheegay in uu la yaaban yahay sababta ay Booliska Rasaas ugu adeegsadeen.

Isku Duwaha dhanka ammaanka ee Gobolka Nyanza Mr Wilson Njega oo dhankiisa Warbaahinta ay wu’aalo ka Weydiisay arrintan ayaa sheegay in uusan xaqiijin karin wararka sheegaya in Booliska ay Mudaharadayaal toogteen balse uu hubo oo kaliya in ay jiraan isku day lagu doonayay in lagu weeraro saldhiga Bondo oo Booliska ka hortageen.

Dibadbaxyada ayaa maanta waxaa ay sidoo Kale Ka dhaceen ismaamulada hoos taga Gobolada Nyanza Xeebta Galbeedka Gobolka Ukambani iyo Magaalada Caasimada ah ee Nairobi oo ay Mucaaradka ku xoogan yihiin.

C/qani Maxamed, Radio Risaala, Kenya