Mareykanka “ Madaxda Dowladda & Dowlad goboleedyada waa inay deg deg uga wada hadlaan doorashada”

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ugu baaqday Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada dalka kajira inay ka wada hadlaan xalna ka gaaray arrimaha muranka uu ka taagan yahay ee doorashooyinka.

Qoraal kooban oo la soo dhigay Barta twitter-ka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in waqtiga uu yahay mid socda, isla markaana loo baahan yahay in saamileysa siyaasadeed ee ka heshiiyaan doorashada.

“Waqtigu wuu socdaa. Waxaan ka codsaneynaa madaxda DFS iyo dowlad Goboleedyada  in ay hada kulmaan, wax sax ahna u qabtaan dadka Soomaaliya, oo ay dhameystiraan doorashada ayaa lagu yiri” Qoraalka Mareykanka.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya & Dowlad goboleedyada cadaadis ku saareysa sidii xal looga gaari lahaa muranka doorashada loona qaban  lahaa doorasho loo dhan yahay.