Midowga Musharixiinta oo shaaciyay in Farmaajo carqaladeeynayo wada-hadallada socda

Kadib Kulan ay Maanta Midowga Musharixiinta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay cadeeyeen mowqifkooda ku aadan kulankii ay la qaateen Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta iyo shirkii uu xalay ku dhawaaqay Madaweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi farmaajo, kaas oo dhex-mari doona Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada & gobolka Banaadir.

Kulankooda kadib ayaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo u hadlay Musharixiinta waxaa uu sheegay in ay wadahadallo  dhex-mareen Xukuumadda & Musharixiinta si loo dejiyo xaaladaha siyaasadeed ee kacsanaa oo kajiray dalka.

Waxa uu sheegay in Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda ay gaareen isfaham horudhac ah, sidoo kalena ay labada dhinac ku balameen in la fuliyo heshiiska, isla markaana shir kale ay yeelan doonaan Maalinta khamiista ah ee soo socota.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa ku eedeeyay Madaweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi farmaajo in uu carqaladeeynayo wada-hadallada, isla markaana Maalinta ay kulanka kale kula balansan yihiin Ra’iisul Wasaaraha uu shir kale isugu yeeray dowlad Goboleedyada & gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in Farmaajo uusan sharciyad u heysan in uu shir xilligan iclaamiyo, hayeeshee uu yahay mid uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wada-hadallada u dhaxeeya Midowga Musharixiinta & Ra’iisul Wasaaraha

Sidoo kale Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalata in la fashiliyo wada-hadalladaas, waxaana uu ugu baqay Shacabka Soomaaliyeed inay kasoo qeyb galaan banaanbaxa ay iclaamiyeen  Maalinta Sabtida ah ee taariikhdu ku beegan tahay 6/3/2021.