Urur weynaha gobolka koonfurta Aasiya iyo xukkuumadda Washington waxa uu soconayaa muddo shan cisho ah,kaas oo ka bilaabanaaya saldhigga Maraakiibta Sattahip ee dalka Thailand wuxuuna ku dhamaanayaa biyaha badda ee dalka Singapore.
Howlgalladaan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan howlgalka Mareykanka ee gobolka iyo xiisadda u dhaxeysa Beijing iyo Koonfur-bari Aasiya,taas oo ku saabsan muranka Badda Koonfurta Shiinaha oo ay sheegtaan dalalka Brunei, Malaysia, Vietnam iyo Philippines.
Xukuumadda Shiinaha ayaa lagu waramay in ay heegan galisay iidamada badda dalkaasi,inkastoo aysan jirin wax cabsi ah oo ay ka qabto dhuulatuskaasi ciidan ee ay wadaan Mareykanka iyo toban dal oo ka tirsan Aasiya,gaar ahan koonfurta.



