Maraykanka oo weerar ku qaaday Waqooyiga Kismaayo

Sgt. Reuben Hottel, with Headquarters and Headquarters Company, 1st Battalion, 18th Infantry Regiment, 2nd Armored Brigade Combat Team, 1st Infantry Division, reacts to a near ambush by opposition forces July 26 near Alicedale, South Africa during Shared Accord 13. Shared Accord is a biennial training exercise which promotes regional relationships, increases capacity, trains U.S. and South African forces, and furthers cross-training and interoperability.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay  in ay duqeyn ku dishay 18 xubnood kamid ah Al-Shabaab kadib markii ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Maraykan ah lagu weeraray Koonfurta Soomaaliya, sida maanta oo sabti ah uu sheegay taliska Maraykanka ee Afrika.

Ma jiraan cid ka tirsan ciidamada Soomaalida iyo kuwa Maraykanka oo lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarka, sida uu sheegay, Nate Herring, oo ah afhayeen u hadlay AFRICOM.

Weerarka waxaa la qaaday Jimcihii wuxuuna ahaa wax iska caabbin kadib markii “mintidiintu ay weerar ku qaadeen sahan ama roondo ay si wadajir ah u samaynayeen Ciidamadu” markaas oo maraykanku uu kaga jawaabay “rasaas aan toos ahayn” ayuu yiri .

Dagaalka ayaa ka dhacay meel 50 kilometer u jirta magaalada dekadda leh ee Kismaayo kagana beegan Waqooyi-galbeed, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay taliska Maraykanka ee Afrika.

Ciidamada Maraykanka ayaa la shaqeeya xoogagga caalamiga ah ee nabad ilaalinta iyo ciidamada dawladda soomaaliya oo dagaal kula jira Al-Shaabab.

Maraykanka ayaa sanadkaan gudihiisa qaaday in ka badan 20 duqaymood oo dhanka cirka ah oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.