Bandow ayaa lagu soo rogay qeybo ka mid ah Magaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntland, sidda ay Risaala u sheegeen qaar ka mid ah maamulka gobolka Mudug qeybta Puntland.
Ciidamo badan ayaa lasoo dhoobay Xaafaddaha Magaalada, waxaana ay waddaan baaritaano, waxaana dadka lagu amray in aysan guryahooda kasoo bixin xilliyadda habeenkii ah.
Arintaan ayaa timid ka dib Kooxo toorrey ku hubeysan ay dhaawacyo iyo dilal ka geysteen Xaafado ka mid ah Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Saraakiisha Booliska degmada ayaa sheegay in Bandowggaan iyo howlgallada socda in looga hortagaayo in sii socdaan dhibaatootinka Magaalada Gaalkacyo.
Dhawaan ayay aheyd markii wariye C/risaaq Siciid Cismaan oo kamid ahaa wariyeyaasha ka hawlgala Idaacadda Codka Nabada ee magaalada Gaalkacyo Magaaladaasi lagu dilay.
Wariyaha ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Weerar loo adeegsaday Toorey oo Kooxo hubeysan ay ugu geysteen Magaalada Gaalkacyo qeybta maamulka Puntland.


