Manchester United oo weeraryahan ka raadineysa Barcelona

Weerarka Manchester United ayaa ah mid uu si aad ah uga fikirayo macallin Jose Mourinho isagoo dhanka suuqa marba mid ka eegaya.

Red Devils ayaa shiishkeeda u weecisay weeraryahanka kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele.

21-sano jirka reer France ayaa xilli ciyaareed dhibaato badan ku qaatay kooxda Barca ka dib dhaawacyo lasoo dersay bilawgiisii La Liga.

Horraan ayay Manchester United ugu raad joogtay weeraryahanno badan hase ahaatee weli waxaa socda wararka xanta ah ee kooxda United la xiriirinayo tiro weeraryahanno ah oo uu kusoo biiray liiskaas Ousmane Dembele.

Laacibka labada lug ku ciyaara ayaa xagaagii hore Barcelona kaga soo biiray kooxda Borussia Dortmund balse bilawgiisii liitay ayaa damac geliyay kooxo badan oo doonaya inay kooxda reer Spain ka fara maroojiyaan sida Liverpool, Arsenal iyo Manchester United oo hadda kusoo biirtay.